Madaxweynaha Maraykanka oo shaaciyay in ciidamado la gaynayo Sacuudiga

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamo dheeraad ah la gaynayo Sacuudiga ka dib weerarradii lagu qaaday warshadaha shidaalka ee dalkaas.
Xoghayaha Difaaca Mark Esper ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada halkaas lagu daad guraynayo ay yihiin “kuwo wax iska caabbin ah.
Maraykanka ayaa wali shaaca ka qaadin tirade ciidamada ee la geynayo sacuudiga.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday xarumihii shidaalka ee dalka Sacuudiga balse waxaa lagu eedeeyay Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here