Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay inay Iran gashay qalad weyn kadib markii ay soo riday diyaarad ay lahayd Maraykanka

Madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa galabta sheegay in Iran ay gashay qalad aad u weyn kadib markii ay soo riday diyaarad Dron ah oo laga laha dalka Maraykanka
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa maanta sheegay inay soo rideen diyaarad drone oo basaas ah oo Mareykanka uu leeyahay, taasi oo sida ay sheegeen kusoo xadgudubtay hawada sare ee dalkaas, meel ku dhow Marinka Hurmuz.
Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in diyaaradda lasoo riday ay tahay nooca MQ-4C Triton, hase yeeshee ay ku duuleysay hawada caalamiga ee Marinka Hormuz.
Tan ayaa timid xilii uu khilaafkoodu sii xoogsaday dowladaha Maraykanka iyo Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here