Madaxweynaha Maraykanka oo xayiraad saaray Venezuela

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ayaa lagu soo warramayaa inuu cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah saaray dowladda Venezuela.
Mr. Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne oo loo arkay mid ka dhan ah maamulka dhigiisa Nicholas Maduro.
Mr. Maduro ayaa lagu eedeyay inuu xilka isku dhajinayo sido kalena isagoo ku andacoonaya inuu daroogada la dagaalamayo uu gaystay caburin lagu bartilmaameedsaday dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha.
Amarka uu hoggaamiyaha Maraykanka uu galinkii dambe ee shalay uu qalinka ku duugay ayaa dhigaya in la xannibay hantida dowladda Venezuela ee gudaha Maraykanka.
Sido kale maamulada xukuumadda Washington ayaa laga mamnuucay inay wax ganacsi ah la yeeshaan Venezuela.
Majaladda ka soo baxda gudaha Maraykanka ee The Wall Street Journal ayaa qortay in tallaabadan ay tahay midii ugu horreysay oo la qaado in ka badan 30 sano taasi oo ka dhan ah waddan dhanka galbeed ku yaalla.
Waxay xayiraaddan la mid tahay midii horay loo saaray dalalka Kuuriyada Waqooyi,Iran, Syria iyo Cuba.
Maraykanka ayaa horay Venezuela u saaray xayiraado dhanka shidaalka ahaa oo dhaqaalaha dalkaasi uu si weyn ugu tiirsanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here