Madaxweynaha oo 12-ka bishan jeedin doono khudbad qaran

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa sheegay in 12-ka bishan 11-aad uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta jeedin doono khudbadda qaran ee sannadlaha ah.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka si wadajir ah ula hadli doonaa xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha aqalka sare.
Mr. Muturi , guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in siyaasiyiinta ay dhageysan doonaan khudbadda madaxweynaha iyadoo la raacaya amarka ah in aan aad la isugu dhawaan si looga hor tago faafitaanka cudurka COVID-19.
Madaxweyne Uhuru ayaa la filayaa inuu khudbadda sannadkan ku soo hadal qaado arrimaha BBI iyo isbeddellada dastuuriga ee la doonayo in la sameeyo.
Sidoo kale waxaa uu baarlamaanka faahfaahin ka siin doonaa waxyaabaha maamulka talada haya ee Jubilee ilaa iyo hadda uga qabsoomay ballanqaadyadii uu Kenyaanka u sameeyay.
Khudbaddan ayaa ah mid ku saleysan dastuurka dalka oo madaxweynaha laga doonayo inuu baarlamaanka u jeediyo sannadkiiba hal mar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here