Madaxweynaha oo amar siiyay waaxda asluubta ee dalka

Madaxweynaha wadanka Mr.Uhuru Kenyatta ayaa ciidamada waaxda asluunta ee dalka ku amray inay diiradda saaraan sidii wax looga beddeli lahaa dhaqanka maxaabiista.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qofka marka uu in muddo ku jiro xabsi dowladeed kaddib la doonayo inuu soo baxo isagoo leh habdhaqan ka duwan midii hore si uu bulshada ula jaanqaado.
Mr. Kenyatta ayaa ciidamada ku biiraya waaxda asluubta ee wadanka kula dardaarmay inay bixiyaan adeegyo isbeddel wanaagsan horseedaya oo aan maxaabiista la faquuqin ama dhibaato xad dhaaf ah loo gaysan.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu shalay ka qayb galay munaasabad ay ku qalin jabinayeen 3,000 oo saraakiil da’yar ah oo ka dhacday deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.
Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday inay maxaabiista ugu adeegaan sido kalena ula macaamilaan qaab ay caddaalad ku dheehan tahay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa waaxda asluubta ku ammaanay wax soo saarkeeda isagoo xusay in dakhliga soo galo uu muddo hal sano gudaheed gaaray in ka badan 700 00 milyan oo shilin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here