Madaxweynaha oo amarro soo saaray kaddib markii ay kordheen kiisaska Coronavirus

Kaddib markii kiisaska cudurka Coronavirus ee lagu arkay gudaha wadanka ay gaareen saddex ayuu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta soo saaray amarro dhowr ah.
Dowladda ayaa hakisay in Kenya ay soo galaan shakhsiyaad ka yimid dalalka caalamka ee laga soo tabiyay Coronavirus.
Muwaadiniinta Kenyaanka ah iyo ajaaniibta haysta degganaanshaha sharciga ah oo keliya ayaa loo ogolaanaya inay wadanka yimaadaan hadii ay si iskood ah isku karantiilayaan ama la geeynaya meelaha dowladda ay ugu talagashay wax ka qabashada cudurka.
Amarkan ayaa dhaqangalaya muddo 48 saacadood ama laba cisho gudahood ah si fursad dheeraad ah loo siiyo rakaabka laga yaabo inay safar ku soo jiraan.
Waxaa uu amarkan shaqeynayaan muddo 30 cisho ah ama sida uu ku taliyo guddiga qaran ee loo xilsaaray ka falcelinta xaaladaha degdega ah.
2.Dhammaan dadka wadanka yimid 14-kii maalmood ee la soo dhaafay waxaa qasab ah inay si iskood ah isku karantiilaan oo aynan dadka dhexgelin.
Hadii qofku uu isku arko astaamaha ay ka midka yihiin qufaca iyo qandhaha saaidka ah waxaa laga doonaya inuu tago xarunta ugu dhow ee cafimaadka si loo baaro.
3.Dowladda ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u hakisay waxbarashada xarumaha kala duwan.
Laga billaabo maanta waxaan jiri doonin howlaha tacliinta ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee ardayda ay gurihooda uga hooydaan ee loo yaqaano day schools .
Ardayda dhiganaya dugsiyada leh qeybta jiifka ee boarding, maamulka waxaa laga doonaya inuu xaqiijiyo in ardayda guriyahooda loo diray ugu dambeyn Arbacada oo ay taariikhdu tahay 18-ka bishan.
Jaamacadaha iyo machadyada farsamada waxaa la xiraya Jimcada oo ay taariikhdu tahay 20-ka bishan.
4.Hadii ay suurtagal tahay xafiisyada dowladda , shirkadaha iyo ganacsiyada waxaa lagu boorinaya inay shaqaalahooda u ogolaadaan inay guriyaha ka soo shaqeeyaan marka laga soo tago kuwa bixinaya adeegyada aadka muhiimka u ah.
5. Si cudurka aan la isugu sii gudbin , waxay dowladda ku talinaysaa inaan lacagta tooska ah gacanta lagu dhigin oo qaab online ah wax lagu kala iibsado.
Bangiyada iyo shirkadaha lacagaha diro ayaa laga codsaday inay xaaladda jirta tixgeliyaan oo ay yareeyaan qiimaha lacagaha lagula baxo.
6. Shacabka ayaa laga doonaya inaynan meelaha lagu badan yahay isugu tagin oo ay ka mid tahay goobaha cibaadada.
7. Shacabka inay yareeyaan tagidda aroosyada iyo aaska sido kalena ay arrimahaas ka hor istaagaan xubnaha qoysaskooda.
8. Waxaad iska ilaalisaa meelaha lagu badan yahay sida xarumaha waweyn ee laga dukaameysto ama goobaha madadaalada.
9. Sido kale hala yareeyo ciriiriga gaadiidka dadweynaha.
10. Ha la yareeyo dadka booqanaya bukaannada isbitaallada ku jiro.
11.Isbitaallada iyo xarumaha laga dukaameysto waxaa laga doonaya inay saabuuno diyaariyaan , biyo iyo agabka gacmaha lagu nadiifiyo .
Ugu dambeyn madaxweynaha dalka ayaa sheegay in maamulka uu hogaamiyo uu dadaalkiisa laba jibaarayo.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinka qaar ay suurtagal tahay in la dhibsado balse uu Kenyaanka dhammaan ka codsanaya inaynan fududeysan.
Sido kale hoggaamiyaha dalka ayaa ku baaqay in la isdejiyo sido kalena laga fogaado faafinta wararka been abuurka ah si aan cabsi iyo walaac dheeraad ah loo abuurin.
Dhanka kale afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa shaaca ka qaaday in dib loo dhigay tijaabo ku aaddanayd caabuqa Coronavirus oo la doonayay in maanta la sameeyo.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in tijaabo ku saabsan sida ay dowladda ugu diyaar garoowday wax ka qabashada cudurka uu firuusigan sababo ee Covid-19 lagu soo bandhigo isbitaalka qaran ee Kenyatta iyo qeybta lagula tacaalo xanuunnada la isku gudbiyo ee Mbagathi .
Mr . Cyrus Oguna ayaa sheegay in dib laga dareemay in arrintan laga maarmi karo.
Dhanka kale xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsaan maamulka , Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in marada lagu xirto wajiga ay u baahan yihiin oo keliya howlwadeenada caafimaadka iyo bukaannada.
Dadkan ayaa hadda lagu karantiilaya qeyb gaar ah oo ka tirsan isbitaalka Mbagathi ee magaaldatani Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here