Madaxweynaha oo berri furaya bandhigga beeraha ee sannadkan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa berri oo khamiis ah la filayaa inuu si rasmi ah u furo bandhigga caalamiga ee beeraha oo sannadkan lagu qabanayo ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta.
Bandhiggan ayaa la qorsheeyay inuu socdo muddo shan maalmood ah waxaana hal –ku dhig u ah horumarinta wax soo saarka iyo teknolojiyadda loo adeegsado beeraha iyo ganacsiga.
Waxaa si weyn loo adkeeyay goobta loo yaqaano Mkomani ee deegaanka Nyali iyo agagaarkeeda.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan dowlad deegaanka Mombasa ,Gilbert Kitiyo ayaa sheegay inay sameyeen wax waliba oo ay awoodaan si weyna ay amniga u sugeen.
Bandhigga beeraha ee dalka sannadkan waxaa ka soo qeyb galaya ganacsato ka kala socdo wadamada Ukraine, Shiinaha, Uganda iyo Tanzania.
Weli waxaan ku guda jirnaa arrimaha gobolka xeebta, guddiga xisabaadka ee aqalka sare ee dalka ayaa tagay ismaamulka Kwale halkaasi oo ay kula kulmeen su’aalana weydiyeen barasaabka dowlad deegaankaasi Salim Mvurya.
Qaar ka mid ah senetarada iyo guddoomiyaha Kwale oo warbaahinta faahfaahin siiyay ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here