Madaxweynaha oo dhalinyarada ugu baaqay inay noqdaan halyeeyada dalka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa da’yarta ku booriyay inay ku dadalaan sidii ay ku noqon lahayeen halyeeyada wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhalinyarada laga doonayo inay qaab wanaagsan u fikiraan oo ayna xoogga saaraan sidii ay wax uga beddeli lahayeen noloshooda.
Mr. Kenyatta ayaa xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Kisii oo lagu qabtay xuska qaran ee maalinka halyeeyada sheegay in da’yarta hadii ay rajo wanaagsan muujiyaan ay horumarro badan sameyn karaan.
Waxaa uu kula taliyay inaysan ku niyad jabin caqabadaha haysta ee ay shaqa la’aanta ka mid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here