Madaxweynaha oo furaya bandhigga beeraha ee sannadkan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta tagay ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta si uu halkaasi uga furo bandhigga caalamiga ee beeraha ee sannadkan.
Bandhiggan ayaa la qorsheeyay inuu socdo muddo shan maalmood ah waxaana hal –ku dhig u ah horumarinta wax soo saarka iyo teknolojiyadda loo adeegsado beeraha iyo ganacsiga.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka goobta loo yaqaano Mkomani ee deegaanka Nyali iyo agagaarkeeda.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan dowlad deegaanka Mombasa ,Gilbert Kitiyo ayaa sheegay inay sameyeen wax waliba oo ay awoodaan si weyna ay amniga u sugeen.
Bandhigga beeraha ee dalka sannadkan waxaa ka soo qeyb galaya ganacsato ka kala socdo wadamada Ukraine, Shiinaha, Uganda iyo Tanzania.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale dowladda shiinaha ay sheegtay inay ku howlantahay sidii suuqyada dalkaasi loogu furi lahaa dalagga laga soo saaro gudaha wadanka kaddib markii horay la isku afgartay in halkaasi loo iibgeeyo afakaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here