Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida aabaha xildhibaanka Lugari

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, asxaabta iyo ehellada Arthur Simon Angatia oo shalay geeriyooday.
Mr. Arthur ayaa ahaa aabaha mudanaha laga soo doortay deegaanka Lugari Ayub Savula Angatia.
Mr. Kenyatta ayaa odayga dhintay ku tilmaamay nin aad u adaal badnaa sido kalena kaalin weyn ka soo qaatay arrimaha waxbarashada iyo howlaha ganacsiga.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay inuu murugada la qeybsanaya qoyska uu ka tagay Mr. Arthur Simon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here