Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida aabaha xoghayaha wasaaradda deegaanka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo qaraabada uu ka baxay John Kiptoo Chebotibin oo shalay geeriyooday.
Mr. Chebotibin oo ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ayaa ahaa aabaha Dr. Chris Kiptoo, xoghayaha wasaaradda deegaanka iyo keymaha.
Hogaamiyaha wadanka ayaa Mr. Chebotibin ku tilmaamay mas’uul ku dayasho mudan oo sannado badan oo uu boolis ahaa si daacadnimo ay ku dheehan tahay ugu soo shaqeeyay dalka.
Qoyska uu odaygan ka baxay ayuu Mr. Kenyatta sheegay inuu murugada la qeybsanaya oo uu taageero u muujinaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here