Madaxweynaha oo la kulmay madaxda galbeedka dalka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa daarta Harambee House ee magaaladatani Nairobi kulan kula qaatay mas’uuliyiinta ismaamullada gobolka galbeedka wadanka.
Madaxdan ayaa ka wada hadlay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda ka hirgalinayso deegaanadaas.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dib u soo noleynta warashadaha sokorta soo saaro ee Mumias iyo Nzoia.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa siyaasiyiinta galbeedka dalka u xaqiijiyay in dowladda ay ka go’antahay wax ka qabashada arrinkan.
Waxaa uu xusay in la dardargelin doono dhaqangelinta warbixinta guddi gaar ah oo loo xilsaaray inuu dabagal ku sameeyo caqabadda haysata warshadahaas.
Guddigan ayaa waxaa hoggaamiyo wasiirka wasaaradda beeraha Peter Munya iyo barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha golaha hoggaamiyaasha dowlad deegaanada ee COG Wycliffe Oparanya.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa shirka kaddib waxaa uu guddoomiyaha warashadda sokorta ee Nzoia Joash Wamang’oli ku wareejiyay bas qaadaya rakaab dhan 52.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sido kale 2 milyan oo shilin ugu deeqay koox cayaartooy oo ay warashadda maamusho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here