Madaxweynaha oo loogu baaqay inuu dib u habeyn ku sameeyo isbitaallada dalka

Hoggaamiyaha xisbiga Narc Kenya ,Martha Karua ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta u soo jeedisay inuu xoogga saaro sidii maamulka talada haya ee Jubilee uu dib u habeyn ugu sameyn lahaa xarumaha caafimaad ee wadanka.
Waxay haweeneydan sheegtay in la joogo xilligii la dayactiri lahaa isbitaallada ku yaalla 47-da ismaamul ee uu dalka ka kooban yahay.
Ms Karua ayaa sido kale ku talinaysa inay lagama maarmaan tahay in isbitaallada si weyn loo qalabeeyo si howlwadeenada caafimaadka ay ugu suurtagasho inay si buuxda ula tacalaan cudurrada uu ka midka yahay covid-19.
Karua oo horay u soo noqotay wasiiraddii cadaaladda ee dalka ayaa warqad gaar ah u qortay Mr.Kenyatta.
Waxay qoraalkeeda ku sheegtay in sido kale loo baahan yahay in la qoondeeyo miisaaniyad dheeraad ah oo loo adeegsan karo shaqaleysiinta khuburro caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here