Madaxweynaha oo maanta kulan la qaadanaya guddoomiyaasha ismaamullada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu maanta barasaabyada dowlad deegaanada wadanka la qaato kulan lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn.
Shirkan ayaa la filayay inuu qabsoomo maalinkii Jimcaha ee toddobaadkii tagay ka hor inta aan dib loo dhigin.
Kulanka maanta dhacaya oo ah midkii shanaad ee dhex maro dowladda dhexe iyo ismaamullada ayaa la filayaa in laga soo saaro tallaabooyin dheeraad oo lagu xakameynaya faafitaanka cudurka .
Waxaa uu ku soo aadaya iyadoo qaar ka mid ah ismaamullada dalka aynan buuxin shardi lagu xiray oo ahaa inay diyaariyaan ugu yaraan 300 oo sariirro gaar u ah bukaannada uu cudurka soo rito.
Ujeedka shirka ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyo wax ka qabashada cudurka COVID19 kaddib markii kiisaska la xiriira ay sii kordheen.
Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay shaacisay 960 oo xaalado cusub ah.
Tirada guud ee kiisaska fayraska corona ee ilaa iyo bishii saddexaad ee sannadkan laga xaqiijiyay gudaha wadanka ayaa ah 17,603.
Dadka caafimaaday waxay tiradoodu tahay 7,743 halka dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka COVID19 gudaha dalka ay marayso 280.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here