Madaxweynaha oo saxiixay sharciga maaliyadda

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa qalinka ku duugay isbeddel lagu sameeyay sharciga maaliyadda ee Business Laws (Amendment) Bill 2019.
Waxaa wax laga beddelay ilaa iyo 16 sharci iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in la fududeeyo siyaabaha looga ganacsan karo gudaha wadanka.
Shuruucda wax laga beddelay ee uu madaxweynaha saxiixay waxaa ka mid ah kuwo la xiriira qandaraasyada , tababarrada ay bixiyaan warshadaha , diiwaangelinta dokumeentiyada , baaritaannada dhulka lagu sameeyo , sharciga warfaafinta iyo isgaarsiinta ee dalka , midka maamulka qaran ee dhismaha, caafimaadka iyo badqabka shaqooyinka la xiriira , diiwaangelinta dhulalka , diiwaangelinta ganacsiyada iyo kuwo kale .
Waxaa hindise sharciyeedka madaxweynaha dalka u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi iyo dhigiisa aqalka sare ,Ken Lusaka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here