Madaxweynaha oo siyaasiyiinta ka codsaday inay ku taageraan fulinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha aqalka sare ku booriyay in ay mudnaanta koowaad siiyaan meel marinta shuruucda la xiriirta qorshayaasha horumarineed ee maamulka talada haya.
Xisbiga Jubilee ayaa xilligii ololihii doorashada Kenyaanka u ballanqaaday inuu wax ka qaban doono arrimaha caafimaadka, guriyeynta , la tacaalidda cunno yarida iyo sare u qaadidda wax soo saarka beeraha.
Mr. Kenyatta oo shalay mas’uuliyiintan kula kulmay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee state House ayaa carrabka ku adkeeyay inay jiraan xeerar u baahan in la dardargeliyo balse weli hor yaalla baarlamaanka ama aqalka sare.
Madaxweynaha ayaa xusay in hadii ay jirto caqabad maamulka Jubilee ka hor taagan fulinta qorshayaasha horumarineed ay tahay hindise sharciyeed dhowr ah oo aan la ansaxin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sido kale ammaanay qaabka loo soo dhisay guddiyada kala duwan ee baarlamaanka kaddib isbeddelo la sameeyay.
Wuxuu xusay in siyaasiyiinta garabka mucaaradka oo loo dhiibay hoggaanka qaar ka mid ah guddiyada golaha xeer dejinta ay astaan u tahay in hor u socod wanaagsan uu jiro.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xildhibaanada iyo senatarrada kula taliyay in ay ku dadalaan helidda macluumaadka ku saabsan mashaariicda dowladda isagoo tusaale u soo qaatay in hadallo aan xaqiiqda ku saleysnayn oo ku saabsan adeegga Huduma Namba in dadweynaha lagu marin habaabinayo.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale siyaasiyiinta u soo jeediyay inay xakameyaan hammigooda siyaasadeed oo ayna xoogga saaraan wax u qabashada shacabka ka hor doorashada guud ee sannadka 2022-ka.
Madaxweynaha ayaa ku taliyay in laga faa’iidaysto xasiloonida uu wadanka u horseeday kulankii iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray isaga iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga 9-kii bishii saddexaad ee sannadii 2018-kii.
Dhanka kale guddoomiyaha aqalka sare Mr. Ken Lusaka ayaa madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uga mahadceliyay dadaal uu ku bixiyay in la soo afjaro murankii ku aaddanaa qaabka ay ismaamullada u qaybsanayaan dakhliga ee in muddo ah ka dhex jiray senate-ka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Mr.Justin Muturi ayaa dhankiisa ku baaqay in golaha fulinta iyo baarlamaanka ay si joogto ah u wada shaqeyaan isagoo soo jeediyay in la sameeyo xafiis isku xiraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here