Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay 6 danjire

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay 6 safiir oo wadamo kala duwan ay u soo magacaabeen inay Kenya ku matalaan.
Waxay kala yihiin safiirka Switzerland Valentin Zellweger ,Ole Thonke (Denmark),Caroline Vicini (Sweden) ,Zhou Pingjian (China), Marten Brouwer (Netherlands) iyo safiirka Tanzania ee Kenya John Stephen Simbachawene .
Madaxweynaha ayaa danjirayaasha u rajeeyay wada shaqeyn wanaagsan.
Waxaa uu ku booriyay inay diiradda saaraan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wadamadooda kala dhexeya Kenya.
Safiirka cusub ee Switizerland ee Kenya Valentin Zellweger ayaa madaxweynaha ugu hambalyeysay la dagaalanka cudurka COVID19.
Waxaa munaasabaddan oo ka dhacday madaxtooyada dalka goobjoog ka ahaa wasiiradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga CS Raychelle Omamo, xoghayaha wasaaradda Ambasadoor Macharia Kamau iyo mas’uuliyiin kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here