Madaxweynaha oo xariga ka jaray qorsho lagu shaqaleysiinayo dhalinyarada

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray qorsho maamulka talada haya ee Jubilee uu doonayo inuu shaqo abuur ugu sameeyo da’yarta dalka.
Barnaamijkan oo loogu magacdaray Ajira oo loola jeedo Shaqo ayaa looga gol leeyahay in xal loogu helo caqabadda dhanka shaqa la’aanta ee haysata kenyaan badan.
Magaaladatani Nairobi ayaa waxaa dhanka kale ka socdo kulan diiradda lagu saarayo sidii qorshahan looga dhabeyn lahaa.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowladda dhexe ay ka go’antahay in la sii wado horumarka laga gaaray in fursado shaqo loo abuuro dhalinyarada.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in lagu guulaystay in boqolkiiba boqol ardaydii dhameeyay waxbarashada dugsiyada hoose dhexe sannadkii tagay ay sannadkan dhammaantood ku biireen dugsiyada sare ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here