Madaxweynaha Puntland oo eedaymo loo jeediyay.

Afhayeenka Cusub ee Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa wuxuu eedaymo u jeediyay madxweynaha maamulka Galmudug isagoo sheegay inuu ka shaqaynayo sida uu hadalkiisa u dhigay dhibaataynta Galmudug.
Sidoo kale wuxuu eedaymo u jeediyay Madaxweynihii hore ee Puntland oo uu sheegay inu Caqabad ku noqday dhismihii Galmudugtii hore sida uu sheegay.

Hadalka Afhayeenka Maamulka Galmudug ayaa imaanaya ayadoo Magaalada Garowe ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Hogaanka Ahlusuna oo Magaalada dhuusamareeb isaga Baxay kadib Dagaal halkaas ka dhaxay oo dhexmaray Ciidanka Dowlada iyo kuwii Taabacsanaa Hogaanka Ahlusuna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here