Madaxweynaha Puntland oo furay kal-fadhiga baarlamaanka maamulkaas

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta ka furmay Kal-fadhiga 47aad ee Golaha Wakiilada Puntland, waxaana furay Madaxweynaha Maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha Baarlaamanka puntland, kuxigeenadiisa, wafdi ka socda Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayay guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed & Madax kale.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kal-fadhiga khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay safari uu degaannada Puntland kusoo maray iyo shirarkii la xiriiray arrimaha doorashooyinka ee ka dhacay muqdisho iyo arrimo kale.
Waxaa uu sheegay Deni in kormeero uu ku tegay degaano ka tirsan Puntland ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla markaana ay ka jawaabeen baahiyaha ay qabeen dadkaasi,isagoo soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yusuf Jibril ayaa sheegay dhankiisa in kal-fadhigaii 46-aad ee Baarlamaanka puntland ee la soo dhaafay ay u qabsoomeen Shaqooyin ay kamid ahaayeen , xasaanad siinta guddoomiyaha Bangiga dhexe, xasaanad siinta Wasiiro iyo Wasiiro kuxigeeno cusub, ansixinta miisaaniyadda 2019 iyo ajandayaal kale oo dhowr ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay xiriir wanaagsan la leeyihiin Golayaasha Xeer dejinta Heer Federaal & Heer Maamul Goboleed, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka labada Aqal oo degaannada Puntland ay kamid yihiin melaha ay ka dhacayaan.
30-kii Bishii July ee sanadkaan 2020 ayuu ku ekaa kal-fadhiga 46aad ee Golaha Wakiilada Puntland, waxaana Kal-fadhiga 47aad ee Maanta u furmay Baarlamaanka Puntland horyaala Shaqooyin adag.
Madaxweyne Deni wuxuu kaloo ka hadlay waxyaabaha ka qabsoomay heshiiskii maalgashiga ee dekadda Boosaaso, ee dhex-maray sanadkii 2017-dii Xukuumadii Madaxweyne Gaas & Shirkadda DP World ee laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay inay si weyn ula socdeen xaaladaha kajira dekadda Boosaaso, isla markaana Puntland ay wada-hadal kula jirto Shirkadda DP World si loo xaliyo dhaliilaha kajiro dhinaca Shirkadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in Puntland ay ku dadaaleyso in caqabadaha ay kala kulmeen Shirkadda DP World uusan saameyn ku yeelan xiriirka ay Puntland la leedahay imaaraadka Carabta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay arrintan wax ka qabtaan ayna dareensan tahay Xukuumaddiisu warka kasoo yeeraya shacabka oo ay ka jawaabeyso.
Deni ayaa baaqashada kulankii ay DP WORLD diiday inay ku qaabisho madaxda Puntland sabab uga dhigay cudurka COVID19, balse uu sheegay in arrintaasi ay Shirkadda DP World xal u keeni doonto Shacbakana looga baahan yahay inay ku kalsoonaadaan Xukuumadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here