Madaxweynaha Puntland oo Garoowe gaaray iyo waddooyinka oo xiran

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaasi, iyadoo siweyn halkaas loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Deni oo kasoo ambabaxay Magaalada Nairobi ayaa Maanta ka duwaneyd sidii loo soo dhaweyn jiray, waxaana garoonka Garoowe ku sugnaa Boqolaal ruux oo isugu jiray mas’uuliyiinta Maamulka iyo Shacab ah Magaalada Ku nool.
Sidoo kale Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Garoowe ayaa Maanta markii ugu horreysay soo dhaweyeynta Deni u xiray inta badan wadooyinka Magaalada, isla markaana waxaa loo diidayay dadka iyo gaadiidka inay isticmaalaan Wadooyinka badankoda.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi deni ayaa muddo 45 Cisho ah ka badan ka maqnaa degaannada puntland, wuxuna Muqdisho uga qeyb-galay shirkii lagu gaaray heshiiskii doorashada, isagoo safar ku yimid dalka Kenya, ugana sii gudbay wadanka Imaaraadka Carabta. Balse markale uu dib ugu soo laabtay Kenya, hayeeshee ugu dambeyn uu Maanta tegay Magaalada Garoowe.
Dhanka kale Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamul goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Maanta gaaray Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Gudoomiye Jawaari oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed & Xubno kale oo Maamulka Ka tirsan.
U jeedada safarka Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ee Magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay inuu halkaasi uga qeyb-geli doono furitaanka Kal-fadhigii labaad ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here