Madaxweynaha Puntland oo kazoo horjeestay sharciga Batroolka.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka soo horjeestay Sharciga Batroolka Soomaaliya oo ay dhawaan ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal ee dowalda Fedraalka Soomaaliya,kaasoo sida uu sheegay ay horey uga soo horjeesteen Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaannada maamulka Puntland.
Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in Puntland xeerkaas marnaba aan lagala tashan,isla markaana aysan waxba ka ogeyn ansixinta Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya oo maalmo ka hor dhacday.
Waxaa uu sheegay in sharciyada dalka Soomaaliya iyo hanaanka hagida siyaasadu ay u baahan yihiin in laga wada tashado,hayeeshee ay u muuqato in Sharcigaas uu yahay mid aysan wax talo ah ku lahayn dhankooda.

Sharciga Bartoolka Soomaaliya ayaa horay waxaa u ansixiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka,waxaana laba Cisho ka hor, iyadoo uu jirey buuq farabadan ansixiyeen Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya taasoo keentay inuu labada goleba ka gudbo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here