Madaxweynaha Puntland oo ku sugan Nairobi

Madaxweynaha dowlad goboleedka soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi kaddib safar uu shalay wafdi uu hoggaaminayo ku yimid ayaa sheegay inta uu joogo inuu la kulmi doono mas’uuliyiinta iyo bulshada soomaaliyeed.
Deni ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay .
Wuxuu sido kale sheegay inay farxad u tahay imaatinka dalka.
Muuqaal saacado ka hor la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga ee Puntland State House ayuu sido kale ugu hambalyeeyay xildhibaanadda deegaanka Ijara Safiya Cabdi oo ka mid ahayd madaxdii ku soo dhaweeyay gagida diyaaradaha ee JKIA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here