Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada muqdisho ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalka Soomaaliya marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maalin ka hor la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la filayaa in kulamada siyaasadeed uu sii wado.
Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa wehlinayeen Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mowliid Xuseen Guhaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here