Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu dhamaaday walwalka laga qabay doorashada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay hehsiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka & jadwalka laga soo saaray xilliga ay dhacayaan doorashadooyinka Baarlamaanka labada Aqal, Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha dalkaasi Soomaliya.
Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in walwal badan oo ay ka qabeen dhinaca arrimaha doorashada Soomaaliya ay soo dhamaatay, isla markaana uu rajeynayo in muddooyinka soo socda in dalku uu geli doono doorasho, si nabad ah lagu geli doono oo xasilooni ah.
Hadalkan ayuu ka jeediyay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli uu u ambabaxayay Magaalada Nairobi ee dalkani Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here