Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha ayaa u Hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisal Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Rooble, runtii waxaa hortaalla shaqo baaxadleh oo masuuliyadeeda wadata, waxaana u rajeynayaa in uu ku guuleysto”
Madaxweyne Deni waxa uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi Soomaaliya Alle “SWC” u waydiiyey inuu ku asturo masuuliyaddaas weyn ee uu u qabtay dadkiisa iyo dalkiisaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here