Madaxweynaha Shiinaha oo sheegay inuu isha ku hayo xaaladda Kashmiir

Madaxweynaha wadanka Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda ka taagan gobolka ay ku muransanyihiin wadamada India iyo Pakistan ee Kashmiir.
Wakaaladda wararka ee Shiinaha ee Xinhua ayaa ku warramaysa in Mr. Xi Jinping uu carrabka ku dhuftay inuu taageeri doono danaha Pakistan.
Hoggaamiyaha Shiinaha ayaa ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan oo ay ku wada kulmeen magaalada Beijing kula taliyay in waxyaabaha taagan qaab nabad ah lagu xalliyo.
Maalinka jimcada ayaa la filayaa inay Xi Jinping iyo ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ay kulan yeeshaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here