Madaxweynaha Shiinaha oo tagay magaalada Wuhan

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta markii ugu horreysay tagay magaalada Wuhan oo uu ka soo billowday caabuqa Coronavirus.
Waxaa uu halkaas kula kulmayaa shaqaalaha caafimaadka iyo saraakiisha kale ee qeybta ka ah la tacaalidda firuusigan.
Dhanka kale gobolka Hubei oo ay Wuhan ka tirsan tahay ayaa billaabay adeegsiga nambar gaar ah oo loogu talagalay inuu fududeeyo sidii shaqooyinka dib loogu noqon lahaa.
Bayaan la soo dhigay shabakadda rasmiga ee dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in farriintan oo loo isticmaali doono taleefoonada gacanta sido kale ay kaalin ka qaadan doonto dabagalka ku aaddan isku socodka shacabka ee gobolka dhexdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here