Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo gaaray caasimadda Waqooyiga Korea

North Korean leader Kim Jong Un and Chinese President Xi Jinping meet in Beijing in January. The two leaders plan to meet this week in North Korea, according to state news agencies of both countries.

Caasimadda dalka Waqooyiga Korea ee Pyongyang waxaa saakay aroorti ka dagay madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping kaas oo wadahadallo kula yeelanaya halkaasi hoggaamiyaha Waqooyiga Korea Kim Jong-Un.
Safarkan Mr. Xi Jinping uu ku tagay Waqooyiga Korea ayaa noqonaya kii ugu horreeyay muddo 14 sano ah uu dalkaasi ku tago hoggaamiyaha Shiinaha, balse waxa ay mudodaasi inta u dhaxeysay ay afar jeer ku kulmeen gudaha dalka Siinaha.
Waxyaalaha ugu weyn ee ay ka wadahadli doonaan ayaa la sheegay in ay ka mid tahay wadahadallada hakadka galay ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriga kaas oo la xiriira arrinta hubka nukliyeerka.
Booqashada Xi ayaa kusoo aadeysa xilli uu isbuuc qura ka dhiman yahay shirka waddamada G20 ee ka dhici doona dalka Japan halkaas oo lagu wado in Mr Xi uu kula kulmayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Booqashada mr. Xi uu ku joogayo Waqooyiga Korea ayaa qaadaneysa mudo 2 casho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here