Madaxweynaha Soomaaliland iyo Mucaaradka oo kulan deg deg ah yeelanaya

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa inay Maanta kulan deg deg ah ku yeeshaan Madaxweynaha Somailand Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada mucaaradka Soomaaliland ee kala ah UCID iyo WADANI Faysal Cali Waraabe iyo C/raxmaan Ciro.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Madax dhaqameedka gobolka Awdal,kuwaasoo todobaadyadii la soo dhaafay cabasho ka qabay Maamulka Soomaaliland oo ay ka tirsan yihiin.
Wararka laga helayo kulanka ayaa waxaay sheegayaan inay uga hadli doonaan arinta saami qeybsiga ee goboladda galbeedku aadka u daneynayaan in la sameeyo taasoo Odayaasha dhowr jeer ka hadleen.
Maalmo ka hor ayaa waxaa kulamo ka dhacay Magaalada Hargeysa heshiis la xiriira dhinaca doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ka gaaray Madaxda Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here