Madaxweynaha Soomaaliland oo amray in sharciga la horgeeyay dad gaystay kufsi dil

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad ay Arday Jaamacadeed ku qalin jebinayeen oo lagu qabtay Magaalada Burco ayaa ka hadlay kufsi & dil Magaaladaas loogu geystay 11-kii Bishaan Hooyo saddex Carruur ah laheyd oo lagu Magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdullaahi.
Madaxweyne Biixi ayaa marka hore Shacabka Magaalada Burco, ehellada Ugbaad Cali Cabdullaahi & ardayada Jaamacadda uga tacsiyadeeyay kufsiga iyo dilka loo geystay gabadhaasi, waxaana uu sheegay inuu aad uga xun yahay, maadaama ay aheyd ardayad Maanta kamid noqon laheyd kuwa qalin jebinaya.
Hay’adaha Garsoorka Soomaaliland ayuu faray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in hawshaan sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo, waxaana uu balan qaaday in horey laga fuliyo Xukunka marka uu ku cadaado dadka loo heysto falkaas.
Dadka ku nool Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer iyo guud ahaan deegaanada Soomaaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u hadal haayay falka kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Ugbaad Cali Cabdullaahi oo aheyd Hooyo saddex Carruur ah haysatay sidoo kalena ardayad Jaamacad Baranaysay ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here