Madaxweynaha Soomaaliland oo xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaal gobol

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu Xilalkii kaga qaaday qar ka mid ah gudoomiyeyaasha gobolada Soomaaliland wuxuuna sidoo kale ku magacaaabay gudoomiyeyaal kale waxaa kale oo uu ku sameeyey bedelo dhowr ah.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa Xilalkii ka qaaday Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd Sidoo kale wuxuu Xilkiisa ka qaaday Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal isagoo uga mahadceliyay mudadii ay Maamulkiisa la soo shaqeeyeen.
Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay inuu Go’aansaday In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilalkaan Cusub u magacaabay masuuliyiinta kale ah
1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.
6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here