Madaxweynaha Soomaaliya iyo Axmed Madoobe oo Kulan yeeshay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmdug ayaa waxaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug,kaasoo ay uga hadlayeen Arrimo dhowr ah.
Wararka laga helay kulankaas ayaa waxaay sheegayaan intii uu kulanka socday inuu kusoo biiray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo xalay xilli dambe ka yimid dhanka Magaalada Cadaado.
Waa markii ugu horaysay oo ay Madaxwayne Farmaajo iyo Axmed Madoobe si fool Ka fool ah isu arkaaan, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay doorashadii Axmed Madoobe ee sanadkii hore ka dhacday Magaalada Kismaanyo waxba kama jiraan ku sheegtay,waxaana socda dadaalada la doonayo in lagu guulaysato xalinta Khilaafka jira ka hor furitaanka shirka hogaamiyeyaasha Soomaalida uga Furmayo Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here