Madaxweynaha Soomaaliya oo Baraawe ku wajahan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay safar ku tagaan degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Shalay waxaa tegay degmada Baraawe wufuud horudhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha iyo qaar kamid ah ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya,oo u sii gogol xaaraya socdaalka Madaxweyne Farmaajo lagu wado inuu Maanta halkaas ku tago.
Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweyne Soomaaliya uu ku tagayo degmada Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay inuu xariga ka jari doono Runwayga ay Diyaaradaha ku degaan ee Garoonka Diyaaradaha Baraawe,kaasoo dhawaan dib u dhis balaadhan lagu sameeyey.
Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa la filayaa inuu dhagax-dhigo mashaariic horumarineyd oo ay kamid yihiin Xarumo Waxbarasho oo halkaas laga hirgaliyay.
Maalma ka hor ayay aheyd markii Marwada Koowaad ee dalka Soomaaliya Marwo Seynab Cabdi Macalin ay booqasho ku tagtay degmada Baraawe,iyadoo halkaasi ka dhagax-dhigtay isbitaal loogu tala galay daryeelka caafimaad ee Hooyada iyo dhalaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here