Madaxweynaha Soomaaliya oo Bilado Sharaf gudoonsiiyay gudiga qabanqaabada Munaasabadaha Xoriyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Bilado sharaf gudoonsiiyay Xubnaha gudiga qabanqaabada munaasabadaha Maalmaha Xoriyada kuwaasoo lagu maamuusay sidii ay u soo agaasimeen Sanadguuradii 60-aad eemadaxbanaanida iyo midowga dalka Soomaaliya.
Musaabad Casho sharaf ah oo lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya,Ra’isulwasaaraha,Gudoomiyaha Maxkamada Sare,Xubnaha Gudiga qabanqaabada Todobaadka Xoriyada,wasiiro Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Munaasabadaan bilado ku gudoonsiiyay Gudoomiyaha gudigii qabanqaabada Maalmaha Xoriyad ahna Wasiirka wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,wasiirada wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo khadiijo Maxamed Diiriye iyoo Maareeyaha Wakaalada dhismaha Soomaaliyeed Sareeye guuf Bashiir Maxamed Jaamac.
Gudoomiyaha gudigii agaasinka todobaadka Xoriyada Wasiir Maxamed Cabdi Maareeye ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadkii gudiga iyo sidii ay howshaan ugu guulaysteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmajo ayaa Xubnaha gudiga iyo dhamaan cidkasta oo ka qayb qaadatay weynaynta Maalmaha Xoriyada ku amaan dadaalka ay ku bixiyeen Maamuuska Maalmahaan ku weyn jiritaanka Umada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here