Madaxweynaha Soomaaliya oo booqanaya Ereteria

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 24-ki Saacadood ee la soo dhaafau ku sugnaa dalka Koonfurta Suudaan ayaa booqasho deg deg ah ku tegay dalka Ereteriya.
Garoonka Diyaaradaha magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo kusoo dhaweeyay dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki, iyadoo la geeyay Xarunta Madaxtooyada dalkaasi.
Madaxweyne Farmaajo oo booqashadiisa ay qaadan doonto muddo laba Cisho ah sida la sheegay ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Ereteriya waxayna ka wada hadli doona xiriirka labada dal, tallaabooyin ku saabsan horurmarka dhinaca Bulshada & isbeddelada dhinac walba ah.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa la filayaa inay booqdaan Goobo ay dowladda Ereteriya ka fulineyso mashaariic kala duwan.
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shalay tegay Caasimadda Koonfurta Suudaana ee Jubba, isagoo halkaasi kaag qeyb-galay munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaasi.
Booqashada uu Madaxweyne farmaajo ku tagay dalka Ereteriya ayaa waxaay noqoneysaa markii Saddexaad,waxaana horaantii Bishii Janaayo booqasho uu ku tegay dalkaasi uu ka qeyb qaatay ka miro-dhalinta tallaabooyinka isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here