Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Dib ugu Soo laabtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Maraykanka wuxuu ka qayb-galay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka ee isugu yimid Xarunta Jimciiyada Qaruumaha ka dhexaysay.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ka qayb galay shirkaasi ay caalamka la wadaageen xaaladda dalka Soomaaliya iyo himilada shacbka ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaadi’da Dowladda Soomaaliya iyo aragtida shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan kuwa Qaaradda.
Waxa uu intaasi ku daray in Wafdiga Jahmhuuriyadda Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku guuleysteen inay si cad u hordhigaan Madaxda Caalamka sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in arrinta dacwadda badda ee Kala dhexaysa dalka dariska la ah ee Kenya loo daayo Hay’adaha Garsoorka Caalamiga ee Qaramada Midoobey oo hadaba ay Dacwadaasi Taalo.
Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda diblumaasiyadeed ee dhismaha Safaaradda Washington ee ay Dowladda Soomaaliya halkaas ka hirgelisay u leedahay dalka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Nool Maraykanka iyo dhamaan dhaqdhaqaaqyada dhanka Arimaha dibada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here