Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya Kalafadhiga 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa aroornimadii hore ee Saaka wuxuu gaaray Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa Khudbad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona kulankaan 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada la xiriira.
Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya fadhigaan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha mideynta dadaallada lagu wajahyo Argagixisada,Cimilada iyo qodobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here