Madaxweynaha Soomaaliya oo gudiga ka hortaga Cudurka Covid 19 bogaadiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda Talaabooyinka Muhiimka ah ee ay qaday kuwaasoo ka dhan ah cudurka aduunka Dhan Saamaynta Weyn ku yeeshay ee Corona.
Madaxweynuhu wuxuu xukuumada ku amaanay sida deg degaa h ee ay maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira u gaarsiisay qalabka caafimaad ee aas-aasiga u ah daryeelka caafimaad iyo badbaadinta bukaannada uu soo rito cudurka COVID-19.
Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya wuxuu sidoo kale u mahadceliyay dhamaan dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee xiligaan adag Soomaaliya Garab istaaga u muujiyay wuxuuna madaxweynuhu sheegay inay sii wadayaan codsiyada Kaalmo Caafimaad Dalbashada ah si xaalada loo sii Xakameeyo isagoo gudiga qaran ee Xakamaynta Cudurka Covid 19 ku amaray inay kaydiyaan dhamaan xogaha iyo Macluumaadka Cudurka ku saabsan si ay Xogahaasi markale Bulshada Soomaaliyeed uga anfacaan ka falcelinta cudurada Faafa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here