Madaxweynaha Soomaaliya oo ka faalo qaaday Nolosha Caruur uu dhalay Wariye ay Shabaabku Dileen.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay -Alle ha u naxariistee- Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ahaa Wariye ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo shabaabku ay ku dileen degmada Awdheegle ee gobolka shabeellada Hoose.
Madaxweynaha oo dul istaagay xaaladda caafimaad ee labada wiil oo mataanaha ah ee isbitaalkan Yardimeli ay ku dhashay marwada uu ka Geeriyooday marxuumka Wariye Gacal ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dammaanad qaadeyso nolosha ubadkan, maadaama Aabahood uu u dhintey dalka iyo dadka Soomaaliyeed isagoo u adeegaya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee marxuum Cabdinaasir Gacal uu naftiisa u hibeeyay difaaca dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo xirfaddiisa wariyenimo la garab taagnaa halyeeyada kale ee Ciidamada Qalabka Sida ee safka hore kaga jira furimaha dagaalka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in marxuumku nolosha caadiga ah ee dhiggiisa wariyeyaasha ka howl-gala gudaha dalka uu ka doorbiday inuu qalabkiisa iyo aqoontiisa geliyey sidii uu kaalin uga qaadan lahaa dib u xoreynta dalka, isaga oo muraayad u noqday guulaha Ciidanka Qalabka Sida ay ka soo hoynayeen la-dagaalanka Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Dhaqaatiirta ku howlan daryeelka Caafimaad ee Mustafe iyo Maxamed oo ah labad Wiil ee Mataanaha ah ee uu dhalay Marxuum Gacal iyo Hooyadood Xaaladadooda Caafimaad ka waraystay waxayna u sheegeen inay aad u waanaagsan tahay.
Shamso Maxamed Amiin oo ah Hooyada dhashay Alle ha u naxariistee Wariye Cabdinaasir Cabdille Gacal ayaa Madaxweynaha kaga mahadcelisay Garab istaaga uu u sameeyay qoyska Marxuumka waxayna sheegtay in Wiilkeedu ahaa shaqsi wadankiisa Jecel oo ay ka go’anayd difaaca dalkiisa uuna u dhintay Difaaca dalkiisa Hooyo.

Alle ha naxariistee Wariye Cabdinaasir Cabdille Gacal ayaa 14 Bishii Agoosta ee sanadkii hore ku geeriyooday Degmada Awdheegle ee gobolka shabeelada Hoose xili uu Qarankiisa u shaqaynayay kadib Dagaal halkaas ku dhexmaray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo uu ka tirsanaa wuxuuna ka mid ahaa dhalinayada gudaha dalka wax ku bartay kadibna wadankooda u shaqaynayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here