Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Siyaasiinta markasta dowlada Dhaliila.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa ka hadlay Siyaasiyiinta Dowlada dhexe markasta Dhaliila,waxyaabaha Caqabadaha ah ee dlaka ka jira iyo qodobo kale oo dhamaantood arimaha Soomaaliya la xiriira.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in siyaasiyiintaasi oo dhan ku dhawaad 2000 kun oo qof ay doonayaan inay dowladda Caqabad ku noqdaan, qaarkoodna ay rabaan xilal in loo dhiibo maadaama markasta uu yimaado isbadal mudooyinkii dalku wajahayay caqabadaha dhanka daganaansho la’aanta siyaasadeed ah.
madaxweynaha ayaa siyaasiyiintii qaar oo markasta dhaliilsan dowlada iyo waxqabadkeeda sidoo kalena uu sheegay inay ka mid yihiin caqabadaha uu dalku wajahayo waxa uu ku tilmaamay kuwa Caraysan oo maamulka jira ka soo horjeeda kasoo horjeedda.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu sidoo kale Xusay in Cabaqado kale ay dowladda Soomaaliya kasoo wajaheen dalalka dariska ah, maamul goboleedyadda,iyo meelo kale.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay dhaliilo kala duwan Dowladda Soomaaliya u jeedinayeen xubno ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here