Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galay meertada 75 ee golaha guud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka warbixiyey horumarrada dowlada Soomaaliya ay ku xaqiijisay amniga iyo siyaasadda, saameynta cudurka safmarka ah ee Covid 19 iyo caqabadaha dhaqaale ee uu sababay.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorasho hufan oo sii xoojinaysa dimuqraadiyadda iyo daahfurnaanta siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin isu tanaasul iyo is-qancin oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed, midnimada iyo wadajirka Qarankooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay Inkastoo cudurka safmarka ee Karoonaha uu caqabad ahaa, haddana ay ku howlanyihiin ka shaqaynta hannaan doorasho loo dhanyahay, oo dadka Soomaaliyeed ay kaga go’aan gaari karaan mustaqbalkooda, ayna ka go’antahay iany meelmariyaan oo ay xoojino dhaqanka dimuqraadiga ah.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha Caalamka ee Madasha ka qaybgalayay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xoogga saareen xakameynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo saameynta dhaqaale ee uu reebay, isagoo bogaadiyey dadaalkii naf hurnimada lahaa ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliyeed ku badbaadiyeen Nolosha shacabkooda.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa tilmaamay in guulo la taaban karo laga gaaray la dagaallanka argagixisada, iyadoo ay iskaashanayaan ciidamada Xogga dalka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo ciribtiro waxa uu Madaxweynuhu ugu yeeray arxan laaweyaashan, loogana hortago in Soomaaliya ay gabbaad ka dhigtaan.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedralka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay in mudnaanta koobaad la siiyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan caqabadaha iyo dhibaato wadareedka ka taagan dunida, si looga faa’iideysto fursad kasta oo lagu gaari karo duni nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here