Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalay furitaank Beerta Midnimada ee Ethopia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada Soomaaliya ay horseedayso inay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay go’an tahay dhiirri-Gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka, taasoo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay inay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.
Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha dalalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Kenya Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan Salva Kiir, Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay dalalka Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here