Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Tacsiyadeedyay Geerida Madaxweynihii hore ee Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Dalkani Kenya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland, isagoo soo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale u tacsiyadeeyay Madaxweynaha hada talada haya ee Maamulka Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, Bulshada ku nool deegaanada Maamulka Puntland, gaar ahaan qoyskiisa oo uu u horeeyo wiilkiisa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuumku.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaashaiyo Puntland iyo kan Shacabka ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladdatan Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here