Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Jabuuti & Shir ka furmaya

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inay u ambabaxay dalka Jamhuuriyada Jabuuti halkaasoo la filayo inuu uga qeyb-galo kulamo kala duwan oo la xiriira wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa inuu dalka Jabuuti kula kulmo Madaxweynaha Soomaaliland iyo Wafdi uu hogaaminaya, si ay uga wada hadlaan arrimo ku saabsan Midnimada Soomaaliya, iyadoo Soomaaliland ay aaminsan tahay inay ka go’day Somaaliya inteeda kale.
Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyay in kulankaasi uu guddoomin doono,isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.
War kasoo baxay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay dadaalka loogu jiro wada-hadallo wax ku ool ah oo lala galo Soomaaliland.
Madaxweyne Farmaajo waxa ka go’an dhammaan dadaallada keenaya in wadahadallo miradhal ah lala yeesho Somaliland. Tani waxay la jaanqaadaysaa hannaankiisa dib-u-heshiisiinta ku dhisan, waxayna xoojinaysaa mawqifkiisa ku aaddan sii joogtaynta walaaltinimada isku haysa dadkeenna ayaa lagu yiri” warka ka soo baxay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka laga helayo Kulankaan ayaa sidoo kale sheegaya inay kor joogto ka noqon doonaan, Wufuud ka kala socota, Mareykanka oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ku dhiiragalinaysa qabsomida kulanka, Midwoga Yurub iyo Midowga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna lagu wadaa in maanta uu gaaro Wadanka Jabuuti,waxaana hoggaamiyaha Xisbiga UCID feysal Cali Waraabe uu sheegay in shirkaasi uusan ka duwaneyn kuwii horay u dhacay,isla markaana uusan waxba soo kordhineyn sida uu hadalkiisa u dhigay.
Sadexdii Sano ee la soo dhaafay majirin wax wada-hadallo ah oo dhex-maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland,waxaana Siyaasiyiinta mucaaraadka iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ku dhaliilayeen madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya inaysan ka miradhalin wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here