Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan deg deg ah uga qayb galay magaalada Makkah.

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Sacuudi Carabiya ayaa ka qeyb galay shir deg deg ah oo ay yeesheen dalalka Jaamacadda Carabta.
Kulanka oo ka dhacay Magaalada Barakeysan ee Makkah ayaa ahaa mid uu Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis uu isugu yeeray hogaamiyeyaasha dalalka ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta.
Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka xilligaan ka jira dadlka Carbeed qaarkood iyo sida looga gudbi karo,waxaaana ay ku balameen hogaamiyeyaashii madashaas isku arkay in la kordhiyo kulamada noocaan oo kale ah ee ay isugu imaanayaan madaxda wadamada Jaamacada Carabta.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee dalka Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani,wuxuuna dhamaan madaxda uu la kulmay kala hadlay arimaha quseeya dalalkooda iyo waxyaabaha ay Soomaaliya la wadaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here