Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan dhiiragalin ah la qaatay dhaqaatiirta ku howlan dagaalka cudurka Covid 19

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan dhiirri gelin ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee dalka Soomaaliya, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19 waxa uu la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurka iyo daawaynta dadka uu soo ritay.
kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxay Madaxweynaha kula wadaageen warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalka oo dhan iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata bixinta dadkooda iyo dalkooda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, Kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka Soomaaliyeed dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabkooda xiligaan adag maraya.
Madaxweynaha ayaa dhaqaatiirta uu la hadlay ku yiri Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda weyn ee shacab iyo dowladba saaran, gaar ahaan Bahda Caafimaadka oo ah indhihii dalka wakhtigan adag. Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan inay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka umada
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu bishaareeyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan Xarumaha Karantiilka Bukaannada cudurka COVID-19 in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan cudurkan halista badan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka ee naftooda u horay badbaadinta shacabkooda.
Arintaan ayaa imaanaysa ayadoo shalay Galinkii danbe uu Maamulka Isbitaalka u gaarka ah la tacaalidda Cudurka safmarka ah COVID19 ee Martiini ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ahaa kuwii xaaladahoodu sy liidatay markii hore ay bogsoodeen oo isbitaalka laga saaray,dadkaas 34 kamid ah ayaa lab ahaa halka 8da kale ay dhidig ahaayeen.
Inta badan bukaannadan ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, kadibna lagu xiray qalab u fududeeya neefsiga Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii sare loo qaaday adeegga caafimaad ee Isbitaalka martiini laguna soo kordhiyay agab casri ah.
Dowladda ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhaqaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin, waxaana hirgelinta xaruntaasi ay fududeysay in bulshada lagu xiro Xarumaha caafimaadka ee loo asteeyay la tacaalidda Feyruska Karoona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here