Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Xildhibaano iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa inuu Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya uu kulan kula yeeshay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka & Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.
Kulanka ayaay kaga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka isbedeladii dhacay iyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay Madaxweynaha ka wada hadleen dhowr arrimood oo ku saabsan, Guud ahaan arimaha Siyaasadeed iyo marxlada kala guurka ah ee dalka uu maraayo, Arimaha Hir-Shabeelle, wax ka qabashada Fatahaadaha kusoo noq noqday deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle oo dhibaabto ba’an ku haayo bulshada iyo qodobo kale.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka qeybna ka ahaa kulanka ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS isaga iyo Gudoomiyaha Barlamanka Hirshabelle ay ka wada hadleen xaalada Dalka,hayeeshee uusan bixin faah faahin intaasi ka dheer.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga dareemayaa mashquul xoogan tan iyo markii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay xilkii ka qaadeen Xukuumadii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana socda shirar looga hadlayo Magacaabista Ra’iisul Wasaare Cusub sida ay wararka la helayo sheegayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here