Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulan la qaatay Xukuumadda Cusub

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Golaha Xukuumadda Soomaaliya ee uu Xalay ku dhawaaqay rai’isul wasaare Rooble.
Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada iyo haweenka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay dardar galinta howlaha horyaalla Xukuumadda si dalka Soomaaliya looga qabto doorasho.
Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo maalmihii la soo dhaafay laga sugaysay.
Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay ayaa u badan Xubnihii Golihii Wasiirada Kheyre, waxaana Golaha Wasiirada kasoo muuqan oo laga tegay Wasiirada, Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xersi Warfaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here