DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay ergayga midowga Yurub Africa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arimaha dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu wehelinayay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/lahaai Farmaajo ayaa wuxuu masuuliyiintaas ka socday midowga Yurub kala hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin taageerada midowga Yurub,dayn cafinta Soomaaliya iyo kuwa kale sida uu faahfaahinayo agaasimada warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here